SIDA AAD UGA QEYB QAADAN KARTO KULANKA KOOXDA

Mashruucaan waxaa qeyb ka ah in kooxdeena ay qaban doonto kulamo gaagaaban oo lala yeelan doono shaqsiyaad kala duwan kuwaas oo ku xeel-dheer nidaamka PDG ga oo lagu taageero qoysaska qaba caruurta yaryar. Hadii aad doorbidid inaad ka qeyb gashid kulanka kooxda, waxaa lagu weydiisan doonaa inaad ka qey qaadatid wadahadal oo 1-saac qaata oo ku saabsanaan doono khibradaada u adeegidda caruurta iyo qoysaska Minnesota. Hadii aad isku aragtid inaad tahay mid kamid ah kuwaan soo socda aadna daneynaysid ka qeybgalka, fadlan raadi qeybta  ugu haboon ee ku quseysa isna diiwaangeli adigoo adeegsanaya mid kamid ah linkiyada diiwaangelinta lagu siiyey. Mahadnaq ahaan, ka qeybgalkaaga waxaad heli doontaa kaar hadiyada ah oo $40 ah.

Waalidiinta iyo Daryeelayaasha qaba Caruurta Yaryar – oo ay ku jiraan waalidiinta iyo daryeelayaasha aasaasiga (tusaale. Awoowayaasha iyo ayeeyayaasha ama qof kale oo qoyska ah) ee caruurta ka yar 5ta sanno. Waxaan codsanaynaa 1 waalid oo keliya guri kasta inuu ka soo qeyb galo.

Ku dhufo lifaaqan hoose si lagugu hago diiwaangelinta dhanka Soomaaliga. Sidookale turjumaano ASL ah ayaa diyaar ah hadii aad codsato. Fadlan email u dir: KassiraA@theimprovegroup.com si aad u codsatid boosas.

U shaqaaleysii kooxaha kulamada

Fadlan nagu caawiya inaan gaarno qiimeynta dad badan intiiba ay suuragal tahay. Luuqadan soo socota ayaa loo isticmaali karaa fariin ahaan ama email ahaan. Waxaan idinku bogaadinaynaa inaad u sii gudbisaan saaxibadiina, kuwa idin shaqeeya, iyo kuwa asxaabttina ah oo saameysay PDG.

Dawladda hoose ee Minnesota waxay kaashanaysaa The Improve Group iyo Child Trends si ay u qiimeyso dhaqan-gelinta Barnaamijka Deeqda Horumarinta Dugsiyada Naasiriga ee dawlad deegaanka oo loo soo gaabiyo (PDG). Mashruucan waxaan qeyb ka ah inay kooxda qabato kulamo gaagaaban oo dhanka qadka ah oo min 1-saac ah oo lala qaadanayo shaqsiyaadka qibrada u leh isticmaalka ama adeeg siinta qoysaska reer Minnesota. 

Hadii aad kamid tahay qoysaska qaba caruurta yar yar, kooxda mashruuca waxay jeclaan lahaayeen inay kaa maqlaan wax ku saabsan khibradaada! Fadlan booqo https://www.theimprovegroup.com/pdg-evaluation-somali si aad u  aqriso waxbadan oo ku saabsan daraasada iyo si aad iskugu diiwaangelisid kulanka kooxda wadahadalka. Hadii aad dooratid inaad ka qeyb gashid, waxaad heleysaa kaar hadiyad $40 ah oo mahadnaq ahaan ah. Sidookale waan kaaga mahad celinaynaa dadka aad ku soo dhiirageliso ka qeybgalka kulamadan kooxda.  

MAXAY DARAASADU SAHMIN DOONTAA?

Waa maxay Deeqda Horumarinta Dugsiyada Naasiriga?

Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay barnaamijka deeqda horumarinta dugsiyada naasiriga ee  Preschool Development Grant (PDG) ayaa ah in la sii tayeeyo nidaamyada lagu caawiyo qoysaska qaba caruurta yaryar, gaar ahaan kuwa la kulma dhibaatooyinka jinsiga, deegaanka, ama kuwa dhaqaale.

Waa maxay Ujeedooyinka Qiimeynta?

Si loo fahmo sida baaxada leh ee shaqooyinka PDG ay guusha u gaarayaan, Waaxda Waxbarashada Minnesota ayaa qandaraas la gashay Kooxda Horumarinta ee The Improve Group, iyo Kooxda Isbeddelada Caruurta ee Child Trends, iyo Kooxda La-talinta Diyaarinta Dugsiyada si ay u sahmiyaan:

  • Ilaa xadkee lagu guuleystay shaqooyinka PDG da la dhaqan-geliyey, iyo waxyaabaha abuura caqabadaha dhanka dhaqn-gelinta wanaagsan? 
  • Ilaa xadkee qaababka la adeegsaday ee shaqooyinka PDG da ay horumariyeen sinnaanta, rasalmaalka bulshada iyo xadka ay dhiseen maanka bulshada?
  • Side iyo xadkee ayey xubnaha bulshada ay uga qeyb qaateen naqshadeynta iyo dhaqan-gelinta shaqooyinka PDG? 
  • Waa maxay waaya-aragnimada qoysaska, daryeel bixiyaasha caruurta iyo xrirfadlayaasha kale ee ka shaqeeya u adeegida caruurta iyo qoysaska Minnesotan ee howlaha PDG?  
  • Maxay yihiin qorshaha lagu sii ilaalinayo laguna kobcinayo howlaha PDG ee mustaqbalka? 

Waxaad macluumaad badan oo ku saabsan su’aalahan iyo asbaabaha daraasadan aad ka heli kartaa Codsiga Soo Jeedinta oo loo soo gaabiyo (RFP): https://www.theimprovegroup.com/sites/default/files/PDG%20Program%20Evaluation%20Request%20for%20Proposals.pdf

SABABTA DARAASADAN?

Dawladda deegaanka ayaa jeclaan laheed inay si wanaagsan u fahamto howlaha PGD da la dhaqan-gelinaayo iyo qaababka ay ku sii wadi karaan bixinta caawinaada hooyooyinka uurka leh iyo qoysaska qaba caruurta shan jirka ah iyo kuwa ka sii yar.

MAXAA ISBEDELI DOONA?

Xogta aan soo uruurinayno waxaa loo adeegsan doonaa inay bixiso aragtiyada ku saabsan waaya-aragnimada dad kala duwan oo ay saameysay Deeqda Horumarinta Dugsiyada Naasiriga iyo nidaamka la isugu dayayo inuu saameyn wanaagsan yeesho. Xogta waxay soo saari doontaa talooyin ku aadan dawladda deegaanka kuwaas oo ku saabsan sida loo sii wadi doono in meesha laga saaro caqabadaha sifa qoysaska qaba caruurta yaryar ay u helaan barnaamijyo wax ka bedela nolosha caruurta yaryar.

GOORMEE AYEY DARAASADU DHACAYSAA?

Diseembar 2020, ilaa Diseembar 2022. Kooxaha wadahadalka waxaa loo qorsheeyey dabyaaqada Agoosto ee 2021 ilaa Oktoobar 2021.

Mudooyinka waqtiga kulamada kooxaha kor ayaa lagu soo sheegay. Fadlan ku dhufo linkiga saxda ah ee isdiiwaangelinta.

XIRIIRKA

Wixii su’aalo ama ka qeyb gal ah, waxaad kala xiriiri kartaa:

Sara McGarraugh, Kooxda Horumarinta
651-447-5541